Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Oo Daahfuray Shir Ku Saabsan siyaasada Diwaangalinta Dhalashada Caruurta.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Oo Daahfuray Shir Ku Saabsan siyaasada Diwaangalinta Dhalashada Caruurta.

U-jeedka shirkan ayaa ahaa sidii loo dhamaystiri lahaa siyaasada Diwaangalinta Dhalashada Caruurta iyadoona si hufan looga dooday intii uu socday shirka sidii caruurta ku dhalata Puntland ay u heli lahayeen Shahaadada Dhalashada iyo in Degmooyinka Puntland La gaarsiiyo adeega diwaangalinta si loo helo tirada saxdaa ee goobaha Caruurta ku dhalata.

shirkan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin Ka Socday Wasaaradaha Dowladda iyo Sarkaal ka socday Hay’adda UNICEF oo Wasaaradda kale shaqeysa Arrimaha diiwaan galinta caruurta.

Siyaasada Diwaangalinta Dhalashada Caruurta ayaa dhawaan markii la dhamaystiro loogu gudbin doona Golaha Xukuumada Si loo ansixiyo Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi wanaagsan.

Dhamaad..
Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwayanaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *