Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland oo Kulan Is xogwaraysi ah la Qaatay Agasimayasha Waaxyaha Wasaaradda Arrrimaha Gudaha iyo Qaarka Mid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland oo Kulan Is xogwaraysi ah la Qaatay Agasimayasha Waaxyaha Wasaaradda Arrrimaha Gudaha iyo Qaarka Mid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland.

Ujeedka kulanka uu Agaasimaha Wasaaradda Arrrimaha Gudaha ayaa kulan la qaatay shaqalaaha iyo Agaasimahayaasha Waaxyaha ayaa ku saabsana isxogwaraysi guud iyo warbixino ku saabsan kormeero ay ku tageen howl Wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Qaarka mid ah Degmooyinka Puntland kaasi oo ku saabsana qorshe howleedka sanadkan iyo in bulshada ka qayb qaadato mashaariicda laga fulinaayo degmooyinka howledeenada wasaaradda ayaa ka warbixyey waxa ay kala kulmeen degmooyinka ay booqdeen
Agaasimayaasha Waaxyaha Sida Maamulka iyo maamuliyada ayaa ka warbixyeyey Shaqooyinka ay Qorshaynayaan Sanadkan iyo waxyalaha u qabsomay Sanadkii tagay, Agaasimaha Waaxda Federalaynta ayaa ka warbixyey Safaro uu ku tagay Degmooyinka Puntland qaybo ka mid ah asaga oo dadka deegaanadaasi ka dhaadhincayey Fahanka Federaalaynta, Agaasimaha Waaxda qorshaynta ayaa sharaxay kormeero la Xiriira Ka qayb galka Bulshada ee Mashaariicda sanadka La fulin Doono waaxda Maaraynta Masiibooyinka ayaa waxa ay sharaxeen Kulamada ay la qaateen dadka deegaanada Fogfog Si looga hortago masionooyinka loona yareeyo.

Kulanka oo ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda aya sidoo kale kasoo Qayb Galay Shaqalaaha Wasaaradda ayaa waxa la isku baraarujiyey Dardargalinta Shaqada iyo Sidii loo S labo Jibaari lahaa shaqooyinka Wasaaradda Sanadkan.

Sido kale agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kulan la qaatay gudoomiyayaasha Degmoyinka Bander Bayla, Dangorayo iyo Eyl waxanaa at Agaasimaha ay uga Warbixyeen Dhibaatooyinka ay Gaysteen Roobabki ka Da’ay Puntland.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday Jawi Wanaagsan.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *