Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Oo Kormeeray Xaafad Cusub Oo Loo dhisay Dadka Barakacayaasha Iyo Dadka Soomaalida Ah Ee Kaso Laabtay Dalka Yemen Ee Ku Nool Magaalada Boosaaso.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Oo Kormeeray Xaafad Cusub Oo Loo dhisay Dadka Barakacayaasha Iyo Dadka Soomaalida Ah Ee Kaso Laabtay Dalka Yemen Ee Ku Nool
Magaalada Boosaaso.

Boossaaso: 03 October 2019,
Wefti uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa booqday xaafad cusub oo loo dhisaayo qaxootiga iyo barakacaayashaa ku nool magalaada Boossaaso Ee xarunta Gobolka Bari dhismaha xaafadaan cusub ayaa lagu dhisayaa barnaamijka xalka waara oo ah barnaamij dib- u dejin loogu samanaayo dadka barakacayaashaa ee nool magaaalada Boossaaso Dhismaha Xaafadaan Cusub oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland , Dowlada Hoose Ee Degmada Boossaaso Iyo Hay’ada Dalka Norway U Qaabilsan Qaxootiga Ee (NRC) xaafadaan Cusub oo loo dhamaystray Dhamaan Adeegyada Assaasiga ah ayaa maraysa Meel Gabagabo ah Xaafadaan Cusub ayaa qayb ka Qaadanaysa In Dadka ku Nool Puntland ay helaan Hoy’ Barnaamijka Xalka Waara ayaa ah mid Is Dhexgal Loogu Samaynaayo dadka Soomaalida ah ah ee kasoo laabtay Dalka Yemen, Barakacayaasha Kasoo Barakacay Koonfurta Soomaaliya Iyo Dadka Deegaanka Waxaana Ay daboolaysa Baahiyaha Guryo la’aanta Ah ee ka jjray magalaada Boossaaso Xafada ayaa sidoo kale loo dhisay saldhig Boolis, Xarunta Bulshada Ceel Biyood iyo Xarumaha kale dhawaan waxaa lagu darayaa School Hoose iyo Xarun Caafimaad Sida Uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Boosaaso.

Weftiga Booqday Xaafada Cusub ayaa ka Koobna Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo kala ah Agaasimaha Qaxootiga Iyo Barakacayashaa, Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyada, Madax Qaybeedka Qaxootiga, Geesta Kale Waxaa Degmada Boosaaaso Ka socday Gudoomiyaha Degmada Boossaaso Iyo Qaarka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Degmada Boossaaso Iyo madax kale.

Gabagabadii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maxamer Cali Nuur Jubba ayaa Bogaadiyey Hay’ada NRC oo iyada Mashruuca Fulinaysa iyo Dowlada Hoose oo Qayb ka ah dhismaha Xaaafada Cusub Sidoo kale waxaa halkaas ka halday Engineerka dhisayaa Xaafadaan Oo Warbixin Ka Siiyey weftiga Halka Uu Maraayo Dhismaha Xaafadaan Cusub Dhawaan ayaa la filaayaa in xariga laga Jaro Xaafadaan Cusub si ay uga Qayb Qaadato Baayihida Xaga Guryaha Ee ka Jirta Magaalada Boossaaso.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xirirka Dadwaynaha.

….dhamaad….

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *