Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland iyo Wefti Uu Hogaaminaayo Oo maanta Safar shaqo Ku Tagay Magaalada Qardho Ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Qardho: 05 October 2019.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland iyo Wefti Uu Hogaaminaayo Oo maanta Safar shaqo Ku Tagay Magaalada Qardho Ee Xarunta Gobolka Karkaar.

U-jeedka Safarka ayaa ku sabsanaa u Kuur galida xaalada guud ee degmada Qardho agaasimaha ayaa xarunta Dowlada Hoose Kulan Kula Qaatay Masuuliyiinta Degmada oo Uu ugu Horeeyo Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Agaasimaha Ayaa Warbixin ka dhegaystay Qaarka Mid ah Agaasimayaasha waaxyaha Ee Degmada kulanka ayaa waxaa Goob Joog ka aha Xog-haya dowlada Hoose Ee degmada,
Agaasimaha ayaa masuuliyiinta degmada Qardho Kala Hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dardargalinta Howlaha Shaqo Ee Socda iyo Sidii Degmada Qardho u bixin lahayd lacagta Qoondada Ee mashruuca Horumarinta Degmooyinka in la Baxsho Wajiga Labaad Ee Mashruuca Degmooyinka ee JPLG Agaasimaha ayaa Degmada Qardho ku Bogaadiyey Bixinta Lacagta oo Dhan 6% ay Baxshaan Dowladaha Hoose Agaasimaha Guud ayaa ugu Baaqay Degmooyinka Kale Inay Baxshaan Lacagtaas Si Loo Hirgaliyo Mashruuca Wajiga 2aad.

Geesta kale Weftiga ka socda Wasaaradda Ayaa kormeeray Wadooyin Cusub oo laga Dhisaayo Magaalada Qardho Wadooyinkaas oo lagu Dhisaayo Mashruuca Horumarinta Degmooyinka iyo Mashaariic kale oo ka socda Degmada Qardho.

Gabagabadii Kormeerka Ayaa kusoo Dhamaaday jawi Degan.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha.
Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

…..Dhamaad.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *