Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la shiray Shaqaalaha Wasaaradda.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntand Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa wuxuu la shiray qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kulanka oo ahaa kii u horreeyey ee ay wada yeesheen Agaasimaha cusub iyo shaqaalaha muddadii uu xilka hayey ayuu kula dardaarmay shaqaalaha Wasaaradda .

Agaasime Maxamed Cali Nuur Jubba oo la hadlaayey shaqaalaha Wasaaradda Ayaa u sheegay in ay dib u habayn iyo dardargelin shaqo ay bilaabanyso isla markaana laga rabo shaqaalaha in ay ilaaliyaan waajibaadka saran isla markaana ay si daacad ah oo joogto ah ula shaqeeyaan isagoo ballan qaaday in wax badan ay iska bedeli doonaan habkii hore ee Shaqada Wasaaradda u socotay.

Agaasimaha Ayaa sidoo kale sheegay in wayn laga bedeli doono Waqtiga Shaqada Wasaaradda iyo qaabka shaqada labadaba, isagoo ku adkayeeyey shaqaalaha Wasaaradda in ay dhowraan Waqtiga Shaqada isla markaana u sheegay in ay tahay Waajib lagu leeyahay inay ilaaliyaan Waqtiga.

2bcfbcaf-6d06-4428-988a-aa6bf297669b 2d983b09-6ed8-4d7b-b984-6a120e9407d9 4cdb7e25-3106-47e9-ae17-f2f42968e610 5c6e51cc-d1b6-43d9-bf63-c027c766fd34 06a43d05-181d-45ab-9b29-fd1cd1e9718d 7d95239c-d253-41e6-8128-bff836da9094 4644d8b0-f258-4cd8-83ca-6989ea486363 30808b81-a58f-4eda-9cfb-5fb24347f87d a556d872-7f33-423c-9d04-0afe8a92c377 a4138e2f-ce7f-4cc6-8ee9-15187dd9683d de0a39d1-ebbf-4e2d-84cf-220303525ac1 e711d80e-3373-4664-afe6-80e426cbacdd f64b4d39-bd8e-4c7d-94f6-6c6a630cdc64

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *