Gaalkacyo oo lagu qabtay Banaanbax looga soo horjeedo Dowladda Federaalka iyo Shirka Cadaado

Magaalada Gaalkacyo Waxaa lagu qabtay banana bax aad u weynoo ay abaabuleen Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada  Gaalkacyo, iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, ku dhaqan magaaladaasi

Banaan baxa ayaa looga soo horjeeday Madaxda Dowladda Federaalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka  ProJawaari.

Sidoo kale waxa mudaaharaadka looga soo hor jeeday  Dhismaha Maamulka Cadaado ee Gobollada Galgaduud iyoKoonfurta Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdulqaadir  Shire oo hadal ka jeediyey Banaan baxayaasha hortooda    ayaa sheegay in mudaharaadkani yahay mid lagu cabirayo dareenka shacabka iyo dowladda Puntland, Wuxuu sheegay in ujeedkiisu yahay sidii beesha caalamka loo tusi laha khaladaad ay Waddo Dowladda Federalka

Wuxuu Gudoomiyahu sheegay in madaxweyne Xasan uu ku xad gudbay xuquuqda sharci ee goboladda Puntland iyo kan Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo u baahan maamulka madaxbanaan arrimo siyaasadeed, Wuxuu sheegay in ay dowladda Puntland ka xumayn in maamul ka dhismo goboladda Dhexe balse sifo sharci ah loo maro.

 

Gudoomiyaha wuxuu eedeymo badan u soo jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka isagoo hadalladiisa sii wata ayuu sheegay in Xasan Shiekh Puntland kusoo galayo Visa (Fiiso) oo uusan mardambe sida dal uu madax u yahay loo soodhaweyn doonin.

Waxaa maalimihi ugu danabaysay Goboladda Puntland kadhacay Banaanbaxyo kala duwan waxaana looga soo horjeeday dhamaantood dhismaha Maamulka Galgaduud iyo Koonfur Mudug ee Cadaado oo lagu sheegay in uu ka maran habaabay qorshahiisa iyo dastuurka

Mudaharaad-Galkacyo 161 29

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *