ka Madasha Wada hadalka maamuul Baahinta Dowladda Puntland Oo Garoowe Ka Furmay.

ka Madasha Wada hadalka maamuul Baahinta Dowladda Puntland Oo Garoowe Ka Furmay.

Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qeyb galay Madasha Wada hadalka maamuul Baahiita Puntland.

Furitaanka madasha ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xubno ka mid Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland, qaarka mid ah Agaasimayaasha Wasaaraddaha Dowladda, Madax ka socotay Hay’adaha Madaxa banaan ee dowladda kala shaqeeya Mashruuca Horumarinta Degmooyinka ee JPLG ga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in madasha Wada hadalka maamul baahinta Puntland inuu waxtar ballaaran u leeyahay shacabka Puntland, isla markaana uu ka muuqday horumar ahaan degmooyinka uu ka shaqeeyo.

Wasiir Dhabancad ayaa xusay inuu jiro tartarn dhinaca degmooyinka ah, kaas oo salka ku haya horumarka iyo Kobaca ay samaynayaan magaalooyinku, isla markaana ay muhiim tahay maamul baahinta.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmiya udaaah furay isagoona umahadceliyey hay’addaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee gacanta ka gaysta ka shaqaynta hirgalinta mashuurcaan, waxaana uu ugu baaqay inay sii dar-dar geliyaan, si loo gaaro yoolka Horumarineed ee la hiigasanayo.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *