Kulan Looga Hadlaayey Xallinta Khilaafaadka Dhulka ay Degenyihiin Barakacayaasha oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/Hoosse iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay Kulan looga hadlaayey Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Carqaladaha ka dhaca Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaal Magaaladaasi kulanka oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa Waxaa kasoo Qaybgalay Hay`adaha UN-ka Qaar ka mid NGO-yada Caalamiga ah iyo Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Galkacyo.

 

waxaa kaso qaybgalay :

  • Wasaarada arimaha Gudaha qaybta Barakacayaasha
  • Duqa magalada Galkacyo
  • Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug
  • UNHCR
  • NRC
  • DRC
  • Xildhibaano Dowlada Hoose
  • Bulshada rayidkaa
  • oday dhaqameedyo
  • iyo dada daneeya arimaha barakaca

ujeedada Kulanka oo ahayd sida kor kusoo xusnay ayaa Waxaa looga hadlay Qodobadaan:-

  • In la lafaguro waxana la iska waydiiyo dhulalka hashiisyadoodu dhamaadeen ama ay dhamaan rabaan.
  • In la soo bandhigo dhulalka caqabaduhu kajireen sidii xal loogu heli lahaa ( Mustaqbal 1)
  • In wax la iska weydiiyo guud ahaan caqabdaha jira iyo
  • In Masuuliyiinta heer gobol iyo heer dagmo ay xal dhaxal gal ah ka gaaraan mushkiladaha soo noqnoqday ee dhulalka Barakacayaasha
  • In Wasaarrada Arrimaha gudaha ay soo bandhigto Statuska ama heerka heshiisyada dhulalka kumeel gaarka ah xogta ay qaadatay 22 Feberaury, 2017.
  • In xal loo helo kaamamka kaamamka ku faafaya sida sharci darada ah.

 

 

Qodobadii loo arkay inay xalyihiin

  • Duqa Degmada Galkacayo oo sheegay in uu hayo Dhul la dejiyo Dadka Barakacayaasha ah ee aan haysan Dhul Rasmi ah.
  • hay’adihii kasoo qaygalay shirkaa aya dhankooda sheegay inay garabtagan yihiin dowlada wixii lagu xalinayo arimahan katagan barakacayaasha .

in siĀ  wada jir ah dhankasta dowlada iyo hay’adaha ay ugu istagaan sidii looga hortagi laha xalufinta iyo amni darada barakacayaasha ay kuhayan magalada galkacyo.

 

0c1ed2c2-3344-4798-bd75-63aeb78f745f 1f392be4-bf07-4b01-8908-2d3eb6d566e4 6ad79041-facc-4294-ae6d-024435fa1e11 931c810e-68e7-466e-a1d1-e2addd449591 93466f05-6d9f-4248-af54-286aa5b34398 60387788-8771-40c7-b953-ecbac86a5753 a7e2f508-47b7-40d2-8bc1-9a8e9be57183 a785767c-3ba0-4982-a272-8841dc107fe6 b38f46d9-b5a6-4ee8-a537-dd29bca5c572 cf28a442-bca9-4b18-8463-ba099509209a fbca94e0-fdee-4f9f-8655-4a18cea17200

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *