Kulanka soo bandhigida Sahminta Bulshada iyo maareynta Masiibooyinka Ee heer Degmo.

Kulanka soo bandhigida Sahminta Bulshada iyo maareynta Masiibooyinka Ee heer Degmo.

Garowe, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay kulan ku saabsan Bandhigida Sahminta Bulshada iyo maareynta masiibooyinka ee Heer Degmo.

kulanka ayaa socon doono mudo laba Cisha ah waxaana kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha heer Gobal iyo Heer Degmo, wasiiro iyo Agaasmiyaal kasocday wasaaraddaha Puntland, madax kasocotay Bahwadaagta wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland qaarkamida shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn marti sharafta ku soo dhaweeyey kulanka. Isagoona sheegay in wasaaraddu Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ay wado Qorsho looga hortagayo masiibooyinka dabiiciga.

Ugu danbeyn waxaa shirka Daahfuray wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland cabdiweli Mire Xirsi, isagoona sheegay in wasaaradda ay ka go,antahay sidii wax looga qaban lahaa Maareynta masiibooyinka Dabiiciga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sagaal degmo oo ka tirsan Puntland Cilmi ka sameysay cilmi baaris ku saabsan samhimta bulshada iyo maareynta masiibooyinka dabiiciga ee heer Degmo.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *