Madaxda Wasaaradda Oo La Kulmay Xoghaya Safaaradda Finland

U-jeedka Kulanka ayaa ku Saabsana Sidii Safaaradda Dalka Finland ee Soomaaliya ay Qayb Uga Qaadan Lahayd Barnaamijka Dib-u heshiisnta ee ay Wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Puntland waxaana kulanka looga hadlay Arrimo Dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii Dowladda Finland ay wasaaradda ugala shaqayn lahayd Hanaanka Dib-u heshiinta Bulshada ee ay Wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo in Dadka reer Puntland la wada Gaarsiyo hanaankaas.

Kulanka ayaa u dhexeeyey Masuuliyiinta Wadaaradda Arrimaha Gudaha Oo kala ah Labada Wasiir Ku Xigeen ee Wasaaradda ee Kala ah Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradd Maxamed Cali Nuur (Jubba) dhanka Safaraadda Dalka Finland waxaa Ka Socday Essi Raitala oo Ah Xoghaya Kowaad ee ee Safaaradda Iyo Maiju Lepomaki oo ah u Qaybsanaha Bariga Afrika ee Siyaasada Iyo Horumarinta Dalka Finland.

Gabayabadii Kulanka ayaa kusoo Dhamaaday Jawi Degan.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *