Magaalada Garoowe Waxaa Maanta ka Furmay Shir ku Saabsan Arrimaha Federalka.

aroowe: 13 October 2019.
Magaalada Garoowe Waxaa Maanta ka Furmay Shir ku Saabsan Arrimaha Federalka.

U-jeedka Shirka ayaa ku Saabsana “Federalisimku Wuxu Iswaafajin Karaa Hab Maamul- Dhaqameedka Soomaaliyeed Ee Soo Jireenka Ah Iyo Qaab Dhismeedka Casriga ah Ee Dowladimadda.

Shirka ayaa waxa kaas Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudahu Aya Waxa Kasoo Qayb Galay Qaarka Mid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland, Qaarka mid ah Gudoomiyashaa Gobolada, Ururada Bulshada Xubno ka Socday Khuburada Bixinaysa Casharada La Xiriira Hanaanka Geedi Socodka Federaaynta Dalka, Iyo Marti sharaf Shirka ayaa waxaa Si Rasmi ah u Daahfuray Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Musadaq Maxamed waxaan Ku wehelinayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur (Jubba) Agaasimaha Waaxda Federalaynta Wasaaradda C/qadir Maxamuud Axmed la Taliyayaasha Wasaaradda Ee hanaanka Federalaynta iyo Madax ka socotay Hay’ada UNDP oo iyada Wasaaradda kala Shaqaynaysay Barnaamijkaan.

shirka Ayaa socona mudo labo Cisho ah waxaana lagu Baranaya Casharo La xiriira Hanaanka Geedi Socodka Federalka Iyo Sidi Dadka Reer Puntland U Fahmi Lahayeen Federalaynta Dalku Qaatay.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

……Dhamaad…

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *