massuuliyiinta Wasaarada Oo Xilkii U kala Wareejay Maamulka Gobolka Karkaar,

Wasiirka Arimaha Gudaha Federal ka iyo dimuqradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxman dhabancad oo xilka u kala wareejiyay Maamulka Gobolka Karkaar.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Axmed Dhanbancad iyo wafti uu hogaaminayo oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Axmed Yusuf Taaran iyo Agaasimaha Guud Wasaarada Arimaha Gudaha ee Puntland Maxamed Ali Nuur (jubba) xildhabaano ka tirsan golaha wakiilada dowlada Puntland, Xidlhabaan ka tirsan golaha shacabka ee dowlada Federalka, Nabadoono, ganacsato,Gudoomiyayaasha 8 degmo ee gobolka karkaar, Saraakiil ciidan,iyo marti sharaf ayaa Magalada Qardho kaga qayb galay munaasabad xilwareejin ah oo ka dhacday magalaada Qardho.

Ujeedada Imaanshaha waftigaan ayaa salka ku haysay sidii ay xilka ugu kala wareejin lahaayeen Maamulka Cusub ee Gobolka Karkaar iyo Maamulkii Hore Taliyaha Qaybta gobolka karkaar iyo taliyaha cusub ee saldhiga degmada Qardho.

Geesta kale weftiga wasiirka aya waxa ay kormeer ku sameeyn xarumaha Dowlada sida saldhiga police ka, xarunta tababar ciidanka, iyo xaruno kale,

Dhamaad..

xafiiska saxaafada iyo xidhiidh ka dadwaynaha,

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *