Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland kulan kula qaatay madax kasocotaay Haayaddaha UNOCHA, WFP iyo World Vision.

Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland kulan kula qaatay madax kasocotaay Haayaddaha UNOCHA, WFP iyo World Vision.

Garoowe:Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay Weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xildhibaan ka tirsan Gollaha Wakiilada Puntland Oo La Kulmay madax Ka Socotay Hay’adaha UNOCHA, WFP iyo World Vision.

U-jeedka Kulanka ayaa ku Saabsan sidii Hay’addahasi ay gacan uga gaysan lahaayeen Dhibaataada ay Gaysteen Roobabka Da’ay Gobolada Gardafu,Barri Iyo Sanaag oo saameyn ku yeeshay Gobalkaas.

Wasiir ku-xigeenka ayaa hay’adaha u sheegay in madaxwayne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan uu Sameyey Gudi Farsamo oo ka shaqeeya Ka Jawaabida Xaalada Goboladaasi Gaar ahaan Gobolka Gardafuu Sidoo Kale hada ay halkaas ku sugan Yihiin Gudoomiyihii Gobolkaaas iyo Gudoomiyihi Degmada Calluula ay ka sugaayaan Warbixinta Khasaarahaa Halkas ka dhacay

ugu danbeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Cabdiweli Mire Xirsi ayaa u sheegay masuuliyiinta Hay’adaha in ay goan tahay Wadadii Gali Jirtay Caasimada Gobolkaasi Ee Calluula loo baahan yahay in gurmad degdeg ah lagaarsiiyo Isagoona ugu baaqay Dadka Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii gargaar Gurmad ah loogaar siin lahaa

Dhamaad.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *