Masuuliyinta Wasaaarada Arrimaha Gudaha Ayaa Shir La’qaatay Madaxa Hayada NRC,

GAROWE:-Masuuliyiinta Wasarada Arrimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Ayaa La Kulmay Madaxa Ugu Saraysa Hayada NRC,
madaxa Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Ugu Horeeyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxman Dahabancad, Iyo Labada Wasiir Ku Xigeen Ee Wasaarada C/weli Mire Xirsi, Iyo Maxamed Musadiq Maxamed, ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta ugu saraysa hayada caalimiga ah ee qaxootiga ee dalka Norway Ee NRC,

Masuuliyinta Ka socday Hayada NRC Ayaa waxaa Hogaaminayey Madaxa ugu sareeya ee Dalka somaliya Victor Moses , oo ay wehliyaan Barnabas Asora madaxa barnaamijyada hormarinta Maxamed Faysal Agaasimaha puntland ee hayada iyo Mohamed Adam Oo Maamulaha Wax soo iibsiga ee NRC Ee Somaliya,

ujeedka Shirka ayaa ku saabsanaa arimo dhowr ah oo kale ah Barnaamijka Xalka Waara Oo ah Barnaamijka lagu horamarinayo dadka barakacayaasha ee ku nool puntland,
sidoo kale kulan ka waxaa looga wada hadlay arrimaha federaalism ka iyo dimuquradiyeynta oo wasaaradu ka wado puntland iyo sidii puntland ugu gudbi lahayd hanaanka xisbiyada badan iyo doorashada qodf iyo cod loogana bixi lahaa hanaanka qabaliga ah ee hada lagu s oo doorto masuliyiinta xukuumada, masuuliyiinta wasaaarada ayaa madaxda hayada ugu warbxiyey dhibatada ay gaysteen abaarihii dhawaan ku dhiftay puntland iyo roobabkii dhuufanta watay ee ku xigay iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay roobabku waxyeeleyeen,

gabagabadii shirka ayaa la’isla qaatay in la anba qaado howolaha shaqo ee ka dhexeeya wasaarada arrimaha gudaha iyo hayada qaxootiga ee dalka Norway Ee NRC,

dhaama,,,,

Xafiiska Saxaaafada Iyo Xidhiidhka Dadwaynaha,

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *