Masuuliyinta Wasaarada Oo La Kulmay Madax Ka Socota Hayada UNHCR

Wasaraada Arimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland,

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) Ayaa Kulan la Qaatay Masuuliyiin Ka Socday Hayada Qaxootiga U Qaabilsan Qaramada Midoobay Ee UNHCR Gaar Ahaan Qaybta U Qabilsan Ilaalinta Iyo Difaaca Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Kulanka Ayaa Ku Saabsan Dardargalinta shaqooyinka Hayada UNHCR Ka Wado Puntland Iyo Sidii La Iskaga Kaashanlahaa Arimaha Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Ku Dhaqan Puntland Sidii Wax Loogu Qaban Lahaa,

Sidoo Kale Kulanka Ayaa Looga Hadlay Sidii Loosii Wadi Lahaa Howlaha Shaqo Ee Ay Wada Qabtaan Wasaaarada Arimaha Gudaha Iyo Hayada Qaxootiga Aduunka Ee UNHCR,

Geesta Kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaraada Arimaha Gudaha C/wali Mire Xirsi Ayaa Xafiiskisa Ku Qaaabil Weftigan Ayaa Wasiir Ku Xigeenka Uga Warbixiyey Shaqooyina Ay Ka Wadaan Dalka Iyo Sidii Loo Sii Anbaqaadi Lahaa Howlaha Shaqo Ee Horyaal Sidii Gacan Wayn Hayadu Uga Gaysan Lahayd Qaxootiga Kasoo Qaxaaya Dalka Yemen Iyo Dadka Somaliyeed Ee Kasoo Laabanaya Dalka Ay Colaaduhu Ka Socdaan Ee Yemen,

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *