Raysal Wasaare Khayre oo Booqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland

Ra’isul Wasaaraha dowladda Federaalka Xasan Cali khayre oo Booqasho ku jooga Puntland ayaa maanta ka wuxuu booqasho ku tegey Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland.

Raysal Wasaaraha oo ay weheliyaan Madaxweynaha DPL Gaas iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka iyo Puntaldn ayaa waxaa si diirran waxaa ugu soo dhoweeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda oo ay ugu Horreeyaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabullaahi Cali Xirsi Timacadde iyo A/Guud WAG Maxamed Cali Nuur Jubba .

Raysal Wasaare khayre ayaa wuxuu kaga qaybgalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Bandhiga xogta Diiwaangelinta dadweynaha oo Wasaarada arrimaha gudaha ee Puntland ay ka waday xaafadaha 1-da Augost iyo Halgan ee Garoowe.

Ra’isul wasaaraha oo uu weheliyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Timacade iyo agaasimaha guud Maxamed Cali Nuur Jubba, iyadoo ra’isul Wasaaruhu uu kormeeray qaybaha kala duwan ee ka kooban tahay wasaaradu

“Wuxuu kaloo Raysal wasaaruhu booq.day xarunta Kaydka macluumaadka ( MOI resource Center ) halkaas oo uu ka daalacday shuruucda, siyaasadaha, Strategiyadaha iyo Hananka (frame works) ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland u adeegsato hawl socodsiinta iyo gudashada waajibaadka Dastuuriga” sidaas waxaa yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba

Ra’isul Wasaare khayre ayaa boggaadiyay horumarka iyo howlaha baaxada weyn ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay wado, waxaana uu ku booriyay wasaaradaha kale ee maamul goboleedyada inay ka bartaan.

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *