Shir Muhiim ah oo ku saabsan Shahaada Dhalashada (Birth Certificate) oo ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Waxaa ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shir looga hadlaayey Diiwaangalinta warqadaha ama shahaadooyinka dhalashada iyo sugnaanta (Birth Certificate), kaas oo ay qabatay  wasaarda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose maanta taariikhdu 25 bisha April 2016 .

 

shirka intuu socday ayaa Waxaa looga tashadsy   arimo kala duwan ee  ku saabsan nidaamka bixinta shahaadooyinka dhalashada ee hada ka jira Puntland, iyadoo lagu lafa guray  caqabadaha farsamo ee la xiriira shahaadooyinka dhalashada ee hada jira, iyo haddii ay jiraan tayo xumi iyo aqoonlaan dhanka diiwaangalinta warqada dhalashad.

 

Sidoo kale, waxaa laga wadahadlay talona laga bixiyey sida ugu macquulsan ee loo hirgalinkaro qaabdhismeed fadhiya lagana wada qaybgalay ee ay yeelato dowlada Puntland.

 

Shirkaan ayaa Waxaa kazoo qayb galay Wasaaradaha Caafimaadka Waxbarashada Deegaanka Qorshaynta iyo D/hoose ee Garowe.

 

Mudadii uu shirku socday ayaa Waxaa ka hadlay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka sidoo kale  Waxaa talooyin ka soo jeediyey khabiiro ku xeel dheer arrintaas oo iyagu madasha ka soo qayb galay .

DSC05618 DSC05620 DSC05621 DSC05622 DSC05623 DSC05624 DSC05626 DSC05627 DSC05628 DSC05629 DSC05630 DSC05631 DSC05633 DSC05638 DSC05640 DSC05641 DSC05642 DSC05643 DSC05644 DSC05645 DSC05646 DSC05647 DSC05648 DSC05649 DSC05650 DSC05651 DSC05652 DSC05654 DSC05655 DSC05656

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *