Shirka Dib U DajintaA Barakacayaasha Oo ka Dhacey Magaalada Gaalkacayo shir looga Arrinsanayay Arrimaha Dib u dajinta Barakacayaasha Puntland.

Shirka Dib U DajintaA Barakacayaasha Oo ka Dhacey Magaalada Gaalkacayo shir looga Arrinsanayay Arrimaha
Dib u dajinta Barakacayaasha Puntland.

Shirkan waxaa qabatey wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland.

Shaqaalaha Wasaaradda waxaa hogaaminayey Madaxa Barakacayaasha, Lataliyaha wasaaradda dhanka qaxootiyada iyo barakacayaasha, oo uu weheliyo U qaabilsanaha arrimaha barakacayaasha Gobolka mudug.

Shirkan waxaa lagu lafa gurey Xaaladda guud ee dib u dajinta barakacayaasha Gobolka mudug khaasatan Xaaladda deegaanka Wadajir iyo dhulalka kale ee u bannaan baracayaasha.

Waxaa kasoo baxay shirka in dawladda iyo hay’addaha ka hawl gala Puntland dawrkooda ka qaataan u qareemidda iyo caawimaadda deegaanka Wadajir oo haataan laga wado 100 guri oo loogu talagalay barakacayaasha iyo Bulshada deegaanka ee danyarta ah, horeyna looga dhisey 102 guri.

Sidoo kale in lagudaro qorshayaasha danbe; u qareemidda dhulalka loo helay barakacayaasha ee bannaan.

Dhamaaad…

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIR DADWAYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *