Soo Gudbin Waxqabkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Asbuucii lasoo Dhaafay.

 

 

Ministry of Interior, Local Government and Rural Development.

 

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dowlada Hoose iyo Hormarinta R. Miyiga

 

28, April 2016

 

 

Ujeedo: Soo Gudbin Waxqabkii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Asbuucii lasoo Dhaafay.

 

Ø  Shir Muhiim ah oo ku saabsan Shahaada Dhalashada (Birth Certificate) oo ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ø  Wasaradda Arrimaha Gudaha oo Xafiiskeeda Cusub oo biyo galin iyo koronta galin lagu sameeyay

  • Kal fadhiyada golaha deeganka garowe iyo Galdogob oo furmay.
  • Tababar ka furmay Jariiban ee Maamulka Kharajka Dawladda (PEM)
  • Tababar ka furmay Bossaso iyo Gardo ee Dawrka iyo masuuliyada gudiga daryeelka iyo dowrista caruurta ee heer degmo.

Shir Muhiim ah oo ku saabsan Shahaada Dhalashada (Birth Certificate) oo ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Waxaa ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shir looga hadlaayey Diiwaangalinta warqadaha ama shahaadooyinka dhalashada iyo sugnaanta (Birth Certificate), kaas oo ay qabatay  wasaarda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose maanta taariikhdu 25 bisha April 2016 .

shirka intuu socday ayaa Waxaa looga tashaday   arimo kala duwan ee  ku saabsan nidaamka bixinta shahaadooyinka dhalashada ee hada ka jira Puntland, iyadoo lagu lafa guray  caqabadaha farsamo ee la xiriira shahaadooyinka dhalashada ee hada jira, iyo haddii ay jiraan tayo xumi iyo aqoonlaan dhanka diiwaangalinta warqada dhalashad.

Sidoo kale, waxaa laga wada-hadlay talona laga bixiyey sida ugu macquulsan ee loo hirgalinkaro qaab-dhismeed fadhiya lagana wada qaybgalay ee ay yeelato dowlada Puntland.

Shirkaan ayaa Waxaa ka soo qayb galay Wasaaradaha Caafimaadka Waxbarashada, Deegaanka ,Qorshaynta iyo D/hoose ee Garowe.

Mudadii uu shirku socday ayaa Waxaa ka hadlay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka sidoo kale  Waxaa talooyin ka soo jeediyey khabiiro ku xeel dheer arrintaas oo iyagu madasha ka soo qayb galay .

Wasaradda Arrimaha Gudaha oo Xafiiskeeda Cusub oo biyo galin iyo koronta galin lagu sameeyay

Waxaa maanta Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa laga fuliyay biyo galin iyo koronto galin lagu sameeyay dhismahan Cusub ee Wasaaradda oo laba Dabaq ah iyadoo  xariga ka jaray asbuucii hore Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey

Kal fadhiyada golaha deeganka garowe iyo Galdogob oo furmay.

Waxaa furmay asbuucaan ka furmay  kal fadhiyada golaha deeganka degmooyinka garowe, Bandar Bayla  iyo galdogob ka soo ay ku soo bandhigee wax qabadkii ay qabtee ,wixii ay qaban ,sabaha ay u qaban waayeen kaas oo ay ku lafa gureen sidii ay xooga u saari lahaayeen Dhinac horumarka,nabadgalyada iyo arimaha Abaaraha oo ay dowlada PL iyo shacabka ka muujiyeen sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan miyiga

Tababar ka furmay Jariiban ee Maamulka Kharajka Dawladda (PEM)

Waa maxayPEM? Public Expenditure management

Waa Maamulka Kharajka Dawladda  = Nidaam loogu qoondeeyo, laguna maamulo khayraadka dawladda:

Ujeedooyinka iyo Hadafyada tawabarka ayaa ahaa In golayaasha Deegaannada iyo Shaqaalaha Degmada la-siiyo masuuliyado lagaga hawlgelayo nidaamka PEM iyada oo guudmar lagu samaynayo meertada nidaamka PEM iyo talaabooyinka ku lugta leh.

Hadafyo:

  • In la dardar-geliyo mabaadi’da Maamulka Kharajka Dawladda  (PEM).
  • In la sharraxo talaabooyinka  ay  kooban tahay  meertada PEM.
  • In la bixiyo tilmaamo la xiriira waqtiga iyo masuuliyadaha ee hawlaha  talaabooyinka meertada PEM.

 

Tababar ka furmay Bossaso iyo Gardo ee Dawrka iyo masuuliyada gudiga daryeelka iyo dowrista caruurta ee heer degmo

Tawabar ka furmay Bossaso iyo Gardo ee Dawrka iyo masuuliyada gudiga daryeelka iyo dowrista caruurta ee heer degmo ayaa looga hadlay masuuliya iyo dowrka ay ka qaadanayaa dowladaha hoose ee heer degmo (District Level )si loo daryeelo ama loo dowro caruurta ku nool degmooyinka.

Sida la ogyahay ayee degmooyinka u qoodeeyaan daqaale ay ku taageerayaan dhinaca daryeelka iyo dowrista caruurta ee heer degmo.

 

 

 

 

-Dhamaad-

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>