Wafti ka socda Dawlad Goboleedka Hirshabale, oo soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Wafti ka socda Dawlad Goboleedka Hirshabale, oo soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Garowe:- 06,October,2019;Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dawlada Puntland ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhawayey, wafti ka socda dawlad Goboleedka Hirshabele.

Waftiga ayaa waxaa Garoonka General Maxamed Abshir International airport kusoo dhaweeyey, Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dawlada Puntland.

Ujeedka safarka waftigan ayaa ku saabsan siidii ay aqoon kororsi uga baran lahaayeen qaabka iyo hanaanka ay u shaqeeyaan Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland.

Waftiga Hirshabele ayaa ka koobnaa , Wasaaradda Arrimaah Gudaha hirshabale , Gudoomiyal degmo iyo xildhibaano Gole degaan.

Wafdigan ayaa inta ay joogaan Puntland, waxaa ay booqan doonan qaar ka mid ah Degmooyinka Puntland sida Garowe, Qardho iyo Eyl.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *