Wasaarada Oo Qabatay Kulan Ku Saabsan Maaraynta Musiibooyinka

Wasaarada Arimaha Gudaha Federal ka iyo Dimuqradiyeynta Dowlada Puntland oo qabtay kulan ku saabsan maaraynta masiibooyinka ee degmooyinka,

wasaarada Arimaha gudaha Federal ka iyo dimuqradiyeynta ayaa qabatay kulan ku saabsan isuduwida daneeyayaasha horumarinta maaraynta masiibooyinka ee degmooyinka,

kulanka ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cali Nuur juba,
waxaana Agaaismaha ku wehelinayey qaarka mid ah agaasima waaxeedyada wasaarada Arimaha gudaha oo kala ah Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose Maxamed Maxamuud Cali (goojacade), Agaasimaha waaxda Qorshaynta Yuusuf Axmad Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Deeqaha iyo gargaarka Cawil Maxamed Xirsi, Lataliyayaasha wasaarada,sidoo waxa kasoo qayb galay madaxa ka socotay Wasaarada Dowlada, masuuliyinta hayadaha UN/JPLG iyo UNDP, qaarka mid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka ee Puntland,

Shirkan oo soconaya hal maalin ayaa lasoo gabogabaynaya maanta galinka dame waana shirki labaad ee noociisa ah ee looga doodayo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee degmooyinka,

Dhamaad….

xafiiska saxaafada iyo xidhiidh ka dadwaynaha,

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *