Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland oo Magaalada Garoowe Ka Furtay tababar Ku Saabsan, ( Hagaha Dabagalka iyo Qiimaynta)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland oo Magaalada Garoowe Ka Furtay tababar Ku Saabsan, ( Hagaha Dabagalka iyo Qiimaynta)

Ujeedka Tababarka ayaa ku saabsana sidii Degmooyinka Loogu tababari lahaa hanaanka Qiimaynta iyo Dabagalka si ay ugu Sameeyaan dabagalka Hanaanka Buuga Qorshaha 5 sano Ee Baahiyaha Degmooyinka ee loo yaqaan (DDF).

Tababarka ayaa waxa waxa Daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur (Jubba) waxana uu kula dardaarmay inay tababarkan ay uga faaideeyaan Deegaanadii ay ka yimaadeen Kasoo Qayb galayaasha Tababarka ayaa waxa Kaso Qayb galay Qaarka Mid ah Gudoomiyayaasha, Agaasimayaasha Waaxyaha Qordhaynta ee Degmooyinka, Madaxa Ka Socotay Xafiiska Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Ururka Dowladdaha Hoose ee AlGPL Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Kala ah Agaasima Waaxda Maamulka iyo Maaliyada, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Maaraynta Masiibooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo madax Kale Tababarkaan ayaa waxaa Bixinayey Khabiir.

Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *