Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Oo Tababar Shaqo Baris Ah u Furtay Golaha Cusub Ee Degmada Baran Ee Gobolka Sanaag

Baran 02 October 2019.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Oo Tababar Shaqo Baris Ah u Furtay Golaha Cusub Ee Degmada Baran Ee Gobolka Sanaag.

U-jeedka tababarka ayaa ahaa sidii loogu tababari lahaa shaqada iyo doorarka kala Duwan ee dawlada Hoose loo siin lahaa carasho ka xiriira shaqada Golaha deegaanka Cusub ee Degmada Badhan.

Tababarka ayaa waxa uu diirada saaridoonaa qodobada Hoos ku xusan.

1. Barista shaqo qeexista iyo Waajibaadka Golaha deegaanka.

2. Ka taageerida Degmada sidii ay u samayn gudiyada Golaha Deegaanka sida kuwa Joogtada ah.

3. Dhisida Waaxyaha Dawlada Hoose ee Degmada Badhan

5. Diyaarinta shaqo qeexida ( TORs) waaxyaha Dawlada Hoose.

6. Barida qaabka loo diyaariyo miisaaniyada Dawlada Hoose iyo kicinta Canshuuraha Degmada.

Tababarka ayaa waxaa bixinayey Agaasimaha waaxda Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamud Cali goojacade iyo lataliye Maxamed Yusuf Muuse.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha ee wasaaradda Arrimaha Gudaha.

…dhamaad..

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *