Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dhisaysa Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Garowe Boosaaso

Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/ha Hoose iyo HRM Garowe ayaa waxaa lagaga Codsaday Guddoomiyayaasha Gobollada iyo Kuwa Degmooyina Garowe iyo Boosaaso iyo sidoo kale Odayaasha iyo waxgaradka Labadaasi Degmo in ay soo diyaariyaan isla markaana ay soo xulaan Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinkaasi.

Haddaba Digreetadaan kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha & D/ha Hoose, isla markaana uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hon. Abdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde ayaa Masuuliyiinta kor ku xusan lagu wargeliyey in ay kusoo xulaan Xubnaha Golayaasha Deegaanka Muddo Bil ah.

Degmooyinka Garowe iyo Boosaaso oo bilihii u danbeeyey aan lahayn Gole Deegaan iyo Guddoomiye ku yimi Doorasho ayaa hadda Waxa Wasaaradda soo dedejisay dhisidooda, si ay u helaan Maamul ku yimaada Hanaan doorasho iyo sidoo kale Gole Deegaan oo sharci ah.

Sawirka hoose Waa Digreetada Wasiirka ee Maanta kasoo Baxday Xafiiska Wasaaradda ee Garowe.

 

         

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *