Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dib u eegis ku samayneysa mashruuca hormarinta degmooyinka JPLG

Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/Hoose iyo HRM ayaa waxay Sanad walba waxay qabataa Shirka Dib-u-eegista Mashaariicda JPLG ee ka socda qaar ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Shirkaan oo muhiimadsiisu tahay sidii dib loogu eegi lahaa Sanadkii lasoo dhaafay Wixii ka qabsoomay Degmooyinka u ka socdo Mashruuca JPLG, wixii aan qabsooomin iyo Caqabadaha jira.

Mashruucan oo ah mid lagu najaxay ayaa Hadda wuxuu marayaa Heer gabogabo ah waxaana mudadii u socday laga faaiiday waxyaalo badan oo ay ugu horreeyaan Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Waddooyin Muhiim ah .

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa u daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawladda ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’adda UNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee ku midaysan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga mashruuca JPLG ayaa madasha shirka ka hadlay waxayna si qota dheer uga warameen mashruuca oo maraya heer gebo-gebo ah iyo sidii loo kordhin lahaa mudada mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii loo xallin lahaa, arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu guulaysto iyo hirgelinta qorshayaashii waxqabad ee baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo shirka si rasmi ah u daah-furay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka iyo horumarka laga dhaxlay mashruuca JPLG isagoo caddeeyey in Dawladdu ay buuxsio markasta dawrka ay ku leedahay mashruuca isla markaana ay diyaar u tahay sixitaanka iyo dhaqaajinta qorshayaashii baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahad celiyay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka qayb qaata socod siinta mashruucan iyo dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha kale ee Dawladda oo iyaga laftoodu kaalin muhiim ah ku leh mashruuca JPLG.

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>