Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la shirtay Hay`adda WFP

Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/Hoose iyo HRM ayaa waxay Xafiiskeeda kula kulantay Hayadda Cuntada Adduunka ee WFP , shirka wasaaradda iyo Hay`adda ayaa Waxaa looga wada hadlay qaabka loo qabanayo shirka Istaratijiyada WFP ee 3-da sano ee soo socota, iyo weliba qaabka furitaanka iy fadhiya, kaasoo lagu qabanayo Wasaradda Caafimaadka  Febraayo 7, 2018, waxaana lagu heshiiyey qoddobadan:-

  1. WFP inay ka talo geliso Wasaaradda Arrimaha Gudaha mar kasta oo la qaadanayo urur cusub (CP) iyo shirkadaha qandaraasyada.
  2. Waxaa laga wada hadlay arinta Buuhoodle, iyadoo WFP sheegtay in urur cusub laga qaadanayo Buuhoodle si loo joogteeyo cunto qaybinta.
  3. Hey’ad walba waa inay baahida (Proposals) soo marisaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha kahor inta aysan u gubdin WFP.
  4. WFP waxay bil walba Xafiiska Iskudubaridka usoo gubdineysaa qorshaha cunto qaybinta, si ay ugu sii gubdiyaan gobollada iyo degmooyinka iyo weliba ciddii kale ee ay khuseyso.
  5. Haddii loo baahdo cunto qaybinta faahfaahsan, waa in Xafiiska Iskudubaridka soo weydiisto Cabdiraxmaan (WFP Garoowe).
  6. WFP iyo Xafiiska Iskudubaridka inay ka wada shaqeeyaan siddii ay kor ugu qaadi lahaayeen qaabka iskudubaridka, kormeerka iyo dabagalka.
  7. In Xafiiska Iskudubaridka soo gubdiyo meelaha cabashada suuqyada ay kajirto, soona diyaariyo goobaha leh suuqyo shaqeynaya (Active retailers), si ay WFP ugu sameyso qiimeyn loogana baaqsado dadka u raadsanaya raashinka goobaha fog-fog.
  8.  in la kordhiyo deeqda WFP ee Puntland, iyadoo lagu sababeynayo abaarta oo labo jibaarantay iyo weliba barakaca ay sababeen dagaalada Tukaraq iyo buuraha Golis, iyadoo loogu mahadcelinayo madaxa WFP siddii wanaagsan ee uu Puntland u siiyey muhiimad gooni ah sannadkii tegay, looguna hayo abaal arintaas.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *