Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Tababar ku saabsan Sharciga Qaxootiyada ku qabatay Garoowe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa ku qabatay Magaalada Garowe tababar ku saabsan sharciga Qaxootiyada ee Puntaland.

Kullan ballaaran oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland, kaasi oo lagu soo bandhigayay sharciga qaxootiga ee Puntland oo dhawaan xubnaha barlamaanku ay meelmariyeen ayaa maanta lagu soo bandhigay Caasimadda Garoowe, waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo xubno ka mid ah qaxootiga ku nool dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur “ Jubba” oo kullanka furay, waxaa uu sheegay in sharcigan uu si cad u qeexayo xuquuqaha ay leeyihiin dadka qaxootiga ku ah Puntland iyo waxyaabaha laga doonayo inay ilaaliyaan oo ugu horrrayso qanuunka iyo sharciyadda wadanka qaxootinimada siiyay

“ sharciga qaxootiga waxaa la diyaariyay sanadkii hore. bishii january ee sanadkan 2017 ayaa gollaha Wasiirada Puntland ayaa ansixiyay, Bishii August ayaa xubnaha barlamaanku uu meel mariyay, dhawaana uu ku soo bixin doono faafinta rasmiga ee dowladda “ ayuu yiri Agaasimuhu.

Wuxuu sheegay in sharciga lagu turjumay Luuqadaha Soomaaliga, Oromadda, Carabiga iyo luuqada Engliska oo markii hore lagu diyaariyay, dhawaana loo qaybin doono dadka qaxootiga iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland.

Masuul ka socday Hay’adda qaxootiga adduunka ee  UNHCR xafiiska Puntland oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in Sharcigan soo saaristii ay ka wada shaqeeyeen Wasaaradda arrimaha gudaha, Wasaaradda Amniga, WAsaaradda Cadaalada, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland,Xafiiska Xuquul insaanka iyo hay’adda UNHCR, waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada saxiixay Sharciga caalamiga ee qaxootiga.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa ku sugan qoysas badan oo qaxooti ah oo ka soo cararay dagaaladda ka socda wadanka yemen, waxaa kaloo ku sugan qaxooti u dhashay qowmiyada oromada oo siyaabo kala duwan uga soo cararay Wadanka Ethiopia, waxaa kaloo Kullanka laga caddeeyay in Puntland ay ku sugan yihiin qaxooti ka yimid wadamada Tanzania, Siiriya iyo wadamo kale

IMG_7475 IMG_7478 IMG_7480 IMG_7484 IMG_7487 IMG_7488 IMG_7489 IMG_7492 IMG_7495 IMG_7496 IMG_7497 IMG_7499 IMG_7509

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *