Wasaradda Oo Qabatay Shir Ku Saabsan Diwaagalinta Caruurta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qabatay Shir Ku Saabsan Barnaamijka Diwaangalinta dhalashada Iyo Sugnaanta.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradsa ayaa daahfuray shirkaan oo ku saabsana xogwaraysi guud ee hanaanka diwaangalinta Dhalashada iyo Sugnaanta Caruurta kaasi oo lagu soo bandhigay Guulaha Laga gaaray iyo Caqabadaha Soo Wajahay intuu uu socday Tirada Caruurta la siiyey Aqoonsiga Diwaangalinta Dhalashada Caqabadaha ka horyimi iyo Waxyalaha la rabo in lagu soo kordhiyo Barnaamijkaan diwaangalinta dhalashada caruurta aya waxaa fuliya Dowldaha Hoose waxana garwadeen ka ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay Qaarka mid ah Gudoomiyayaaasha degmooyinka Puntland oo iyagu fuliya Diwaangalinta dhalshada iyo sugnaanta iyo Masuulyiin ka Socday Hay’adda UNICEF oo Wasaaradda Iyo Dowladaha Hoose kala Shaqaysa Hanaanka Diwaangalinta Dhalashada Caruurta sidoo kale kulanka ayaa waxa kasoo Qaybgalay Agaasimha Waaxda Dowlaha Hoose iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo la’taliyayaal ka socoday wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Geesta kale Agaasimaha iyo Gudoomiyayadha Degmooyinka ayaa yeeshay kulan ku Saabsan Hanaanka Miisaaniyada Dowlaadaha Hoose ee Puntland kulanka ayaa ku Saabsana Sidii Loo Horumarin loona Kordhin lahaa Miisaniyada Dowldaha Hoose iyo Sidii wasaaraddu Uga Qayb Qaadan Lahayd Sare u Qaadida Miisaajiyada Dowladaha Hoose.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwayanaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dhamaad…

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *