Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli mire Xirsi ayaa maanta Daahfuray kalfadhiga 27-aad ee Golaha deegaanka Degmada Garowe.

Garowe,Sabti- October-5-2019:-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli mire Xirsi ayaa maanta Daahfuray kalfadhiga 27-aad ee Golaha deegaanka Degmada Garowe.

Kalfadhiga 27-aad ee Golaha deegaanka Degmada Garowe, waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Gobolka Nugaal, isimo, cuqaal, qeybaha kale duwan ee bulshada, wasiiro katirsan Puntland iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Wasiir Ku-xigeen wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli mire Xirsi, ayaa khudbad dhinacyada taabanaysa ka jeediyey kalafadhiga 27-aad isagoona ku amaanay Maamulka Degmada Garowe wax qabadka lixda bilood ee uqabsoomay intii uu xirnaa kalfadhiga, isagoona sheegay in Maamulka Degmada ay kale shaqeyn doonaa soocelinta dhulka danta Guud uu Maamulka Degmada ku howlanyahay.

Ugu danbeyn wasiirka ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa si rasmiya udaah-furay kalfadhiga 27-aad.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *