Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo kormeer shaqo ku gaaray Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo kormeer shaqo ku gaaray Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

Saaxo,30,December,Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha DPL iyo Wafti uu hogaaminayo oo isugu jira labada Golle ee Dowladda, Maamulka Gobolka Mudug, ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Saaxo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Saaxo.

Ujeedka safarka Wasiirka ee Degmada Saaxo ayaa salka ku haya xoojinta Nabadda iyo wada shaqeynta Bulshada iyo Dowladda, Arrimaha Hormarinta Degmada, wacyi galin ku saabsan Dhismaha Golaha deegaanka Degmada Saaxo iyo kormeer shaqo oo ku saabsan Mashaariicda hormarineed ee laga hirgaliyey Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

Wasiir Maxamed Dhabancad oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Saaxo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna sheegay in booqashada Degmada Saaxo ay muhiimad gaar uleedahay isagoona ku
ku dhiirigeliyey dadka degmada Saaxo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.

Intaas kadib Wasiirka iyo masuuliyiinta lasocotay ayaa kormeer ku tagay xarumaha Dowlada iyo Kuwa Arrimaha bulshada Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa shirar kale duwan layeeshay Waxgaradka, haweenka odayaasha Degmada Saaxo.

Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Image may contain: one or more people, people standing, sky, nature and outdoor

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *