Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa shirar kula qaatay madax ka tirsan hay’adaha iyo safaaradaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa shirar kula qaatay madax ka tirsan hay’adaha iyo safaaradaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Nairobi Wasiirka Arrimaha Gudaha DPL oo maalmahaan safar shaqo u joogay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa wuxuu shirar kula qaatay madax ka tirsan hay’adaha iyo safaaradaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu si gaar ah kulamo ula qaatay Safiiradda Dalka Norway u fadhida Kenya iyo Soomaaliya, Safiir kuxigeenka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, madaxa Iskaashiga Deeqaha ee Safaaradda Switzerland ee Nairobi, Madaxda EU Soomaaliya u qaabilsan dhismaha dowladnimada iyo dib u habeynta amniga iyo Dimuqraadiyeynta, Madax ka tirsan safaaradda Denmark iyo waliba madax ka tirsan hay’adda cilmi baarista SAHAN.

Shirarkaan oo si gooni gooni ah u dhacay ayaa waxaa looga wada hadlay dhinacyo ku saabsan horumarka ka socda Puntland, Gaar ahaan barnaamijka Dimuqraadiyeynta iyo baahinta maamulka iyo adeegyada aasaasigaa. Waxaa kaloo wasiirka iyo madaxda ay kulmeen ka wada hadleen arrimaha Federalka Dalka Soomaaliya, khaasatan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Shirarka ayaa dhamaan ku soo dhamaaday is afgarad iyo in beesha caalamku si buuxda u taageeyso hirgalinta barnaamijka Geedi usocodka nidaamka dimuqraadiyeynta Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND IYO XIRIIRKA DADWEYNAHa

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *