Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Oo Maanta Kulan La Qaatay Madax Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland.

Garoowe: 12 October 2019.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Oo Maanta Kulan La Qaatay Madax Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland.

kulanka ayaa Looga halday Arrimo Dhowr qodob oo ay ka mid yihiin
1, Dardargalinta Shaqada Wasaaradda iyo Sidii loo laba Jibaari lahaa iyo Is xogwaraysi Guud Oo Ku saabsan shaqada Wasaaradda
2. Wasiirka Wasaaradda ayaa maanta si rasmi ah shaqaale ahaan u qoray 22 qof oo mudo dheer Wasaaradda uga shaqanayey si iskaa wax u qabso ah (volunteer) dadkaas ayaa waxa lagu kala qoray Waaxyaha Wasaaradda. Waxaana ay ka damaysay markii Wasaarada lagu sameeyey dib habaynta Qaab dhismeedkeeda, waxaana maanta lagaa bilaabo loo aqoonsaday inay ka mid noqonayaan shaqalaha rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlada Puntland.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha wasaaradda Arrimaha Gudaha.

….Dhamaad…

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *