Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquruadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/raxman Dhabancad oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Gaalkacayo: 04 October 2019.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Iyo Dimuquruadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/raxman Dhabancad oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Gobolka Mudug.

shir ayaa looga hadlay Dhowr Qodob oo kala ah.

1. Amniga iyo sidii loo xakameyn lahaa dhacdooyinka amnidarada horseeda,

2. Adkeynta nabadda Puntland iyo Galmudug,

3. Wadashaqaynta Maamulka Gobolka, Degmada, Hay’adaha amniga iyo bulshada Gobolka Mudug,

dhinaca Kale Wasiirka ayaaa Kulan La Qaatay Odayaasha iyo Nabadoonada Gobolka Shirka ayaa looga hadlay Xaalada Guud Gobolka Mudug.

1. Wasiirka ayaa odayaasha uga warbixyey Howlaha Dowladdu ka Wado Gobolka dhanka Amaanka, Horumarinta, Siyaasada Dowladda ee Tayeynta Doorka dhaqanka ee Arrimaha Dowladdinada.

2. Adkeynta Nabadeynta gobolka iyo Doorka Odayaasha Nabad Galyada Gobolka Mudug.

Shirarka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo in la dardargaliyo hawlaha horyaala Dowladda iyo shacabkaba Gobolka iyo in laga Wada Shaqeeyo Amaanka iyo Nabad galyada Gobolka Mudug.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

…Dhamaad…..

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *