Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland oo Xilkii U Kala Wareejay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Barri iyo Gudoomiyihii Hore.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland oo Xilkii U Kala Wareejay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Barri iyo Gudoomiyihii Hore.

Munaasabada xil- wareejinta ayaa ka dhacay xarunta Gobolka waxaana kasoo qayb galay boqolaal Dad ah oo iskugu jira qaybaha bulshada, Culimo awdiin, dhalinyaro, isimo, Nabadoono, ganacsato, Haween, masuuliyiinka socotay 3da golle ee dowlada oo ugu horeeyo gudoomiye ku xigeenka gollaha Wakiilada.Wasiiro, Wasiiru Dowlayaal, Wasiir ku xigeeno, Agaasimayaal, Saraakiil Ciidan, Gudoomiya Ku xigeenada Gobolka Barri, isuduwayaal iyo Gudoomiyaha Degmada Boossaaso.

Munaasabada xilwareejinta ayaa waxaa ay ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay
ayaa waxa khudbado dardaaran iyo duco iskugu jira waxaa goobta ka jeediyey masuuliyiinta kasoo qaybshay iyo ismadii halkaas ka hadlay iyaga oo ka waramay howlihii adkaa ee uu soo qabtay gudoomiyhii hore ee gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays ( Dhedo) oo hada loo magaaacaby Wasiiru Dowlalaha Wasaarada Dekadaha,
Sidoo kale waxa duco iyo soo dhawayn loo sameyey gudoomiyaha cusub ee gobolka
C/samad Yuusuf Maxamed ( Abwanka)
Waxaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejay labada gudoomiye Wasiiru Dowlalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Axmed ( Kullan)
Sidoo waxaa xaflada Xilwareejinta kasoo Qyab Galay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur ( Jubba).

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadwayanaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Dhamaad

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *