Waxqabadka Waaxda Arrimaha Qaxootiyada Jannaayo-Juun 2017

WAXQABADKA JAN- JUNE 2017: WAAXDA ARRIMAHA QAXOOTIYADA

  • 2,320 qof oo kasoo qaxday Yemen ayaa lagu qaabilay Xerada Qaabilaada Qaxootiga Yemen; dadkaas intii u socotay gobollada kale waxaa lasiiyey sahay safar, waxaana qofkii u safraya Koonfur Soomaaliya lasiiyaa USD 120, qofkii u safraya Waqooyi Soomaaliya USD 70, Puntland USD 50.
  • Qof kasta oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo kasoo noqda Yemen, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo weliba wadamada kale ee gobolka ayaa Puntland lagu siinayaa dibudejin USD 200 bil kasta muddo hal sano ah, agabka guriga iyo caafimaad iyo waxbarasho lacag la’aan iyo sidoo kale taageero dhaqaale uu ganacsi ku abuuran karo si uu isugu filnaado.
  • Qof kasta oo Yemeni ah oo qaxooti loo aqoonsaday wuxuu leeyahay lacag kabis ah bil kasta; qof kasta oo qoyska madax u ah waxaa lasiinayaa USD 100, halka caruurta ay leeyihiin midkiiba USD 20, caruurta waxaa laga bixinayaa agabka iyo fee-ga iskuulka, sidoo kale qof kasta wuxuu leeyahay caafimaad iyo taageero sharci oo lacag la’aan ah. Qoys walba oo qaxooti ah waxaa lasiinayaa dhaqaale uu ku sameysto ganacsi ama shaqo abuur, sidoo kale Qof kasta oo Qaxooti ah wuxuu leeyahay Kaar Cunto (Food Voucher) ay ugu jirto USD 29, uu kaga soo adeegan karo dukaan ugu dhow.
  • Waxaa maalgelin lasiiyey 300 qoys oo Yemeniyiin ah sanadkii hore, sanadkan waxaa lasiiyey 200 qoys iyadoo intaas laga sii badan doono sanadka gudihiisa, dadkaas waxaa loo sameeyay maalgelin fiican sida baabuurta yar-yar ee tagaasida, ganacsiga cuntada (Restuarents), koofeero dumarka ah iyo weliba ganacsiga Yemen iyo Bosaso ay ka sameeyaan.
  • 74 dhalinyaro qaxooti Yemeniyiin ah oo farsamada gacanta looga bilaabay Iskuulka Farsamada Gacanta Bosaso iyadoo u soconeysa muddo 4 bilood ah, markay dhammeystaan lasiinayo qalabkii shaqada iyo maalgelin.
  • D/hoose ee Bosaso waxay u qoondeysay 7% suuqyada Bosaso in laga siiyo qaxootigaas loo sameeyay ganacsiga si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada.
  • 3,322 ayaa laga bixiyey adeega caafimaadka, iyadoo ay Wasaaraddu lacag kusiiso Cusbitaalka Bosaso, Cusbitaalka Garowe, Cusbitaalka Dhagacade ee Galkacyo iyo Cusbitaal gooni loo leeyahay ee magaalada Qardho.
  • 11 Qaxooti ah ayaa caafimaad loogu qaaday wadanka dibaddiisa iyadoo wax looga qaban waayey wadanka gudihiisa.
  • Diiwaangelinta qaxootiga iyo magangelyo doonka waxaa si joogto ah looga sameeyaa Xafiiska Waaxda Qaxootiyada Garowe iyo Boosaaso, halka magaalooyinka kale bishii mar la booqdo si loo diiwaangeliyo qaxootiga iyo magangelyo doonka ku sugan goobahaas.
  • 1100 arday oo qaxooti ah ayaa waxaa laga bixiyey agabka iyo fee-ga iskuulka, kuwaasoo imtixaankii guud ee Dowladda u fariistay.
  • 380 qoys oo Yemeniyiin ah ayaa loo aqoonsaday Qaxooti, iyadoo lasiiyey Shahaadada Qaxootiga Dowladda Puntland.
  • 418 kiis oo magangelyo doon ah ayaa laga qoray magaalooyinka Bosaso, Garoowe iyo Galkayo, iyadoo dhammantood lasiiyey warqadda aqoonsiga kumeel gaarka ah.
  • Waaxda Arrimaha Qaxootiyada waxay markii ugu horeysay adeegeeda gaarsiisay Gobolka Gardafuu iyadoo laga soo diiwaangeliyey 280 Somali kasoo noqotay Yemen, 71 Yemeniyiin Qaxooti ah iyo weliba 11 magangelyo doon ah.
  • Waxaa si buuxda Gardafuu looga bilaabay adeega qaxootiga, iyadoo dhowaan ay xafiisyo ka furan doonaan hey’adaha u adeega qaxootiyada.

 

Xafiiska Arrimaha Qaxootiyada 

Bosaso, Puntland

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>