Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Asbuuca

 

            Waxqabka Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/hoose & HRM ee Asbuuclaha ah.

 

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo Shir uga qeybgalay degmada Carmo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha  Gudaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Hirsi  ayaa magaalada Carmo ee gobolka Bari uga qeybgalay shir ballaaran oo lagu heshisiinayey laba beelood oo walaalo ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Puntland ayaa Howlaha loo igmaday Waxaa ka mid ah dib u heshiisiinta iyo Nabadaynta .

Hadaba iyadoo ka duulisaysa Masuuliyadda ka Saaran Arrimaha Dib u heshiisiinta Dalka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha  Puntland Mudane Cabdullaahi Cali  Xirsi uga qaybgalay Degmada Carmo,  shirkan waxaa kala oo ka qeybgalay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ,Wasiirka Maaliyadda  Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) saraakiil iyo madax kale.

Ujeeda shirkan ayaa ahaa sidii loogu dhexdhexaadin lahaa laba beelood oo walaalo ah kuwaasoo dirir ku dhexmartay deegaanka Duur-idaad oo hoostagta degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dowladda Puntland ayaa guddi ka kooban Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland u xil-saartay iney dhexdhexaadiyaan labada beelood ee walaalaha ah kuwaasoo durba kulamo la yeeshay labada dhinac.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa qeyb ka ah ergooyin ku dhexjira xalinta khilaafka labada beelood ee walaalaha ah.

 

  1. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo booqday Deegaanada Ceel-daahir Iyo Midigale.

Wafi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha D/Hoose iyo HRM  Puntland Cabdullaahi Cali Hirsi  ayaa booqday deegaanada Ceel-daahir iyo midigale,sidoo kale waxa ay booqdeen Waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.

 

Wafdigan sidoo kale ,waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ,Wasiirka Maaliyadda  Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) saraakiil iyo madax kale.

 

Waftiga  oo ka ambabaxay Degmada Carmo oo ay u joogeen Arrima Nabadayn ah ayaa ugu horeyn booqday deegaanka Ceel-daahir,iyagoona kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxa ay u gudbeen oo kormeer ku sameeyeen Waddada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo ay shaqo ka socotay,waxayna warbixino ka dhageysteen Injineerada iyo Guddiga gacanta ku haya dhismaha Waddadan.

 

Wasiirka iyo Waftiga kale ayaa ugu dambeyn gaaray deegaanka midi-gale oo ka tirsan gobolka Sanaag iyagoona kulamo la qaatay bulshada,sidoo kale dadka deegaanka kana dhageystay baahiyadooda.

Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ayaa ka balan qaaday Dadka deegaanka Mindigale in baahiyahooda loo tixgelin doono isla markaa loo fulin doono wixii Awood ah.

  1. Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Waxaa Magaalada Bosaso lagu soo Dhoweeyey Qaxooti Gaaraya 200 oo qof, Qaxootigaan oo kasoo qaxay Wadanka Yemen ee aan Deris ka nahay ayaa Doonidii siday waxay kusoo xiratay Dekedda Magalda Bosaso Maalintii sabtida ee asbuucan.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Waaxdeeda Arrimaha Qaxootiga ayaa dadkaa halkaas kusoo dhoweysay, sidoo kalena u fidisay Addeegga Gargaarka Degdegga ah ka hor intaan loo gudbin Xarumaha lagu diiwaangeliyo ee Wasaaraddu ku leedahay Magaalada Boosaso.

 

Sidoo kale Waxaa si toos ah uga socda Xeryaha Barakacayasha ee Magaalada Bosaso Diiwaangelinta Barakacyaasha ku sugan Puntland oo sanadihii u danbeeyey ka socday Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland si loogu sameeyo Barnaamij Dib-u-dejin iyo is-dhexgalka Bulshada.

 

Isla Arrimaha Qaxooxtiga iyo Barakacayaasha ayaan ku jirnaa, Waxaa sidoo kale Shir ku saabsan Barnaamijka xalka Waara ee Barakacayaasha iyo arrimaha Qaxootiga Xamar uga qayb galay wafti Ballaaran oo uu hogaaminaayo Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ayna ku wehiliyaan Agaasimaha Guud ee Barakacayaasha iyo Agaasimaha Waaxda Qaxootiga Dowladda Puntland.

 

 

  1. Shir ku saabsan Fulinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee Saddexda Sano oo lagu qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Waxaa Wasaaradda arrimaha Gudaha lagu qabtay shirka Qorshaha Horumarinta Puntlad ee saddexda sano, Qaybtiisa Koox Hawleedka Is-xukunka(Governance Secor Working Group), Shirkaan oo ahaa kii saddexaad oo Wasaaradda Arrimaha Qabato iyadoo ah Hogaanka Qorshahan u qaabislsan Dowladda Puntland.

Shirkaan ayaa Waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Shaqada iyo Shaqaalaha,Wasaaradda Cadaalada, Ururka Dowladaha Hoose Puntland, Hay`adda Maamul Wanaaga iyo Hay`adda UNDP.

  • Waxaa lagu Ansixiyey Nuxurkii kasoo baxay Shirkii kan ka horreeyey oo wasaaraddu qabatay 23/July 2017.
  • In Wasaaradda Kasta oo ka id ah koox Hawleedkan ay soo Diyaariso qorsheeda ay kaga qaybqaadanayso Barnaamijkan .
  • In Shirka xiga la qabto 28. September 2017

 Sawirrada Warbixinta 

21105915_165129317384720_3802176723754192327_n 21078615_1975228812504295_4279510721290611767_n 21077808_1975228829170960_4300731766249148201_n 21034454_165129664051352_92695323812011748_n 35e4a4a6-5e11-4380-a1d0-f388ddbb223c 26d5d40e-c5d9-46cc-9252-180cba616ba9 9e61e65c-00da-417e-a9f4-429212102f13 FB_IMG_1503863430542-e1503864918463 FB_IMG_1503863413880-e1503865091604 DIFP1a1XgAALKv4 DIE-JCoXgAA7PSW unnamed-9 unnamed-8 unnamed-6 unnamed-1

Dhamaad-

 

Maxamuud Siciid Ciise

Madaxa ICT-ga WAG

 

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>