Wefti Balaaran Oo Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrrimaha Gudaha, Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland C/weli Mire Xirsi Oo Kormeeray Degaano ay Waxyeelo U Gaytsteen Roobab kii Watay Duufaanaha ee Da’ay Goboladda Puntland Ay Xoolihii Kala Tageeen.

Ujeedka Safarka ayaa ahaa Kormeerida, Qiimaynta Khasaaraha ay Gaysteen Roobabkii Duufaanta Watay Ee ka Da’ay Halkaas Weftiga Wasiir Ku xigeenka ayaa kormeeray deegaanada hoosyimaada Gobolka Nugaal Oo kala ah Dangorayo, Garmaal, Qarxis, Uusgure iyo Deeegano kale Waxaana ay Kulamo La Qaateen Weftigu Dadka ay saamaynta Ku Yeesheen Roobabku Oo ay Xoolihii Kala Tageen Weftiga Wasiirka ayaa U Kuurgalay Xaalada ay ku nool yihiin Dadkii Ku Cayroobay Roobabkaas waxana ay Indhahooda kusoo Arkeen Guryo Ku Dumay Roobabka Dabaylaha Wata Ee ka Da’ay Halkaas Xoolo ay la tageen, Wadooyinku Burburay iyo Ceelal Ku Dumay, Safarka Wasiir Ku Xigeenka ayaa Qaatay dhowr Maalin waxaana ku wehelinayey Gudoomiyaha Degmada Dangorayo weftiga ayaa Gaaray Xeebta Badwaynta Hindiya si ay indhahooda Ugu Soo arkaan Khasaaraha Halkaas Ka Jiray,

Gabagabadi Wasiir Ku Xigeenka Iyo Weftiga La Socday ayaa Kulamo la qaatay odayaasha iyo Waxgradka Deegaanaasi.

Dhamaad.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *