Wefti ka socda Dawlad Goboleedka Hirshabale, oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland.

Wefti ka socda Dawlad Goboleedka Hirshabale, oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland.

Garowe:- 07,October,2019;
Masuuliyiin Ka Socda dowlad Goboleedka Hirshabele ayaa markii ay Booqdeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa Ku Qaabilay Madaxa Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay ugu horeeyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Iyo Agaasimaha Guud weftiga ayaa Booqday Xafiisyada kala duwan Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Weftiga ka Socda maamulka Hirshabeele ayaa kulamo La qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/weli Mire Xirsi, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur (Jubb) Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Yuusuf Axmed Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Dowladaha hoose Maxamed Maxamuud Cali (Goojacade) weftiga ayaa waxa ay booqdeen Xarunta Kaydinta Xogta Wasaaradda iyo Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaarada waxana meelaha ay Booqdeen kusoo dhaweyey Howladeenada Qaybahaaas, Masuuliyiinta Wasaaradda Ayaa weftiga Uga Warbixiyey Hanaanka kala duwan ay u shaqeeyaan Dowladaha hoose ee Puntland.

Ujeedka safarka waftigan ayaa ku saabsan siidii ay aqoon kororsi uga baran lahaayeen qaabka iyo hanaanka ay u shaqeeyaan Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland.

Waftiga Hirshabele ayaa ka koobnaa , Wasaaradda Arrimaah Gudaha hirshabale , Gudoomiyal degmo iyo xildhibaano Gole degaan.

Geesta Kale Weftiga ayaa Booqday Xarunta Ururka Dowladdaha Hoose Ee Puntland Ee ALGPl waxana halkaas kusoo dhaweyey Weftiga Agaasimaha Ururkaas Axmed Yaasin Asaga Oo u sharaxay weftiga U jeedooyinka Ururka Loo Asaaasay iyo Shaqooyinka Uu Qabto.

Wafdigan ayaa inta ay joogaan Puntland, waxaa ay booqan doonan qaar ka mid ah Degmooyinka Puntland sida Garowe, Qardho iyo Eyl.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA.

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *