Wefti Ka Socda Wasaarada Oo Kormeeray Ku Tagay Gobolada fogfog ee puntland

waxa kormeer shaqo ugu baxay gobolada bari karkaaar iyo gardafu wefti ka socda wasaarada arrimaha gudaha federalka iyo dimuquradiyeynta dowlada puntland iyo gudiga farsamada abaaraha,

kormeerka weftiga ka socda dowalda ayaa waxa ay ahayd ujeed koodu inya kormeeran xaalada nolosha ee dadka ay baaruhu saameyeen ee ku nool deeganada hoos yimada degmooyinka ,qardho, rako raaxo, iskushuban, qandala, baargaal, caluulla, gunbax bareeda ouo murcanyo weftiga ayaa wax ay kulamo la qateen dadka deganada waxa ay deganada ay booqdeen ka mid ah,
tuulo samakaab, tuulo ciise barako, gargoore, taageer, hoosin gaabo, qoroxaad, gunbax. waadi khayr, baargaal abdeexeen, fagoolo, miidiye, hoodaa, dibir, geed xagar, xansheer,

safarka kormerka ayaa qataay mudo 7 cisho ah waxanaa weftigaan hogaaminyaa agaassimaha waaxda deeqaha iyo gargaarka ee wasaarada arrimaha gudaha, Cawil Maxamed Xirsi Buule ahna Gudoomiyaha Gudiga Farsamadaa Abaaraha ee dowlada puntland,

deeganada weftigu ay booqdeen ayaa ah deegansda ay saamaysay abaarti ku dhfutay puntland deegaanada qaar ee goboladasi aya wali waxa ka taagan abaartii halkaas oo ay ka jirto xaalad cakiran halka deganada qaar ay ka daday raxmadii eebe balse dadku wali la daaladhacayaan kasoo kabashada abaartii darayd ee ku dhuftay gobolada puntland,

dhulka ay weftigu booqdaya waxa ay iskugu jiraan dhul roobku yar yahay iyo dhul an wali roob ka diin melahaa an wali roobka diin waxa ka mid deegano ka mid ah degmooyinka bareeda, calluull, gunbax, bander bayla, qandala, bali dhidin,

geesta kale roobabki halkaasi ka day aya waxa ay gaysteen khasaaare mid nafeed maal wadooyinka waxana go’ay qarka wadooyinka galla buuraha laga helo geekda maydiga roobabka aya sido kae waxa ay jareen geedo badan oo ah geedka qaaliga ah maydiga iyo beeyada waxana ay biyihu ay jareen ila 4 kun oo geed sidoo kale waxa go’an waadooyinka laga galo buuraha dhaadheer ee uu ka baxo maydigi waxana deeganada degmada baargaal roobabkii ka da’ay sababen in dad badan ay ku xoolo beleen sidoo kale roobabka aya waxa ay wax gaarsiyen beeraha ay ka baxdo timirto,

sidoo kale roobabka aya waxa ay wax gaarsiyeen wadooyinka
Wadada Ruunyo, Ee Deeganka Abdeexaan Taasi Oo isku xirta xijiyeystada, xoolo iyo degmada baargaal,
wadada gumaanyo oo isku xirta baargaal iyo muudiye oo ka tirsan calluula, wadada salaaximo oo isku xirta baargaal iyo taageer, wadada reen bari oo isku xirta baargal iyo reen bari oo ah deeagan xiji, wadada deganka dibir oo isku xirta dibir ilaa galaal ee degmada murcanyo, wadada isku xirta dhabaaqo ila dibir iyo caluulla, Wadada Dhabaaqo oo isku xirta caluula iyo bossaso ka burburtay 20 km waxana xayirmay gaadidika awrta xijiga qadi jiray dadki waday waxanaa taasi sababtay in uu istaago ganacsiga maydiga maadama uu goday wadada isku xirta caluuula iyo bosaso

dhinaca kale deeganada qaar aya waxa burburay berkadihii biyiha lagu kaydin jirin waxana kale oo jira ceelal ay duugeen roobabkii halkaasi ka da’ay waxaana ceelasha biyaha ay daadku waxyeelen ka mid ah afka xorxoris, dhamaskow, reenbari, abdeexan, ceel unkud, oo ka tirsan degmada baargaal ee gobolka gardafu

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *