Xildhibaanno u tagay magaalada Qardho wacyigelin iyo nabadeyn laba beelood oo walaalo ah

Kulan  ku saabsan Wacyi gelin iyo Nabadeynta labo Beelood o wada dega deegaannada Qardho iyo Dhahar 

Maanta oo  ay taariikhdu tahay 23/12/2015 Waxaa Gaaray Magaala, Madaxda Gobolka Karkaar  ee Qardho Xildhibaano ka tirsan  Paarlamanka Puntland. Ku waas oo Ujeed kooda safar uu ahaa Xalinta Khilaafaadka ee u dhexeeya Labada Beelood oo Walaalaha ah   Waxay Xildhibaanadu Kulan La’Qaateen Nabadoonada, Guurtida, iyo Aqoon yahanada Beelaha  iyaga oo uga Waramay Ujeeddada Safarkooda oo ah in lasii wado Qorshe hawleedkii Nabadaynta Labada Beelood ,kaas oo daba joogay safar xildhibaanadu horay ugu tageen dagaamadas taariikdu markay ahayd 29 august__04 semtemper/2015  Si loo gaaro ujeeddada oo ah in Labada Beelood Laga Dhex Abuuro Nabad Waarta Waxay U sheegeen xildhibaanaddu in ay u sii gudbi doonaan Deegaamada  tuulooyinka iyo baadiyaha  Labada Beelood degaan si ay uga Bilaabaan Wacyi gelin ku aadan xoojinta Nabadaynta Si  Loo wacyi geliyo Dad weynaha Labada Beelood, Arrintaas oo ay Aad u soo Dhoweyeen dadkii ka soo qaybgalay Kulankaas. Waxayna u sheegeen masuuliyiinta odayaashii ay halkaas kula kulmeeen ina diyaar u yihiin ka shaqaynta nabada labada beelood

 

 

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *