Xilwareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka dhacday Hoolka Wasaaradda ee Garoowe

 

Xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose  ee Puntland waxaa maanta lagu qabtay munaasabad xilka ay kula kala wareegeen Agaasimaha cusub ee wasaaradda Maxamed Cali Nuur (jubba) iyo Agaasimihii hore Cabdicasiis Nuur Cilmi (koor)

Munaasabada oo ay ka qaybgaleen Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha,   duqa Caasimadda Garoowe, Masuuliyiinta wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, waxaa uu Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha guduhu uu ku wareejiyey galalka ay ku jirto xogaha wasaaradda iyo mashaariicda kala duwan ee ay ka wado gobalada Puntland.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dawladdaha Hoose & Horumarinta reer miyiga Cali Buraale oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha cusub oo horeyba uga mid ahaa Saraakiisha Wasaaraddan, wuxuuna sheegay in booska uu yimid uu yahay mid uu horeyba xog badan uga haystay.

Mr, Buraale ayaa sheegay in ay sagootinayaan Agaasimihii hore, wuxuuna cadeeyey in uu shaqo wanaagsan soo qabtay mudadiia y wada shaqeynayeen, sidaas oo kalena uu ka mid ahaa Madaxda wasaaradda.

Maamulada degmooyinka Puntland qaar kamid ah oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyey magacaabida Agaasimaha cusub, waxayna ku amaaneen in uu yahay masuul si wanaagsan uga soo bixi kara shaqada baaxada weyn ee loo dhiibay.

Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo  hore uga mid ahaaa Shaqaalaha ugu sareeya ee wasaaradda Arrimaha gudaha, horayna usoo Noqday Agaasiamaha Waaxaha Qorshaynta iyo Waaxda D/Hoose ayaa sheegay in shaqo badan lasoo qabtay, ayna sii wadi doonaan dadaalada horumarineed ee ay wasaaradda Arrimaha.

Agaasimaha cusub ayaa shaqada kala wareegay Agaasimihii horre, waxaana uu madasha ka sheegay in uu halkaas kasii wadi doono shaqada Wasaaradda, isagoo bogaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee ay soo wada qabteen Agaasimihii hore.

 

gudaha-1-740x416 gudaha-2-740x416 gudaha-3-740x416 gudaha-5-740x416 Gudaha-6-740x416 gudaha-7-740x416 gudaha-740x416

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *